top of page
Cali Nuur Salaad.webp

Warsaxaafadeed

22 July, 2024, Muqdisho: Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed, wuxuu aad uga Xun yahay xarigga weriye Cali Nuur Salaad, oo loo xiray sabab la xiriirta video kooban oo uu soo dhigay baraha bulshada.

 

Cali Nuur Salaad, waxaa uu ka mid yahay weriyayaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, wuxuu mar ka mid ahaa weriyayaasha  Warbaahinta Caalamiga ah ee BBC.

 

Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed, wuxuu codsanayaa in weriyaha la xiray si deg deg loo sii daayo.

 

Howlaha Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed, oo Golaha Wasiiradu cod aqlabiyad ku ansixiyeen bishii March ee sandakan 2024, waxaa mas'uuliyadihiisa ka mid ah dhageysiga cabooshinka iyo qaadidda dacwadaha warbaahinta iyo saxaafadda. Cid kasta oo ka cabanaysa weriye waa in marka hore ay dacwad rasmi ah u soo gudbisaa Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed.

bottom of page