War Saxaafadeed Golaha Warbaahinga Soomaaliyeed

22 July, 2024, Muqdisho: Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed, wuxuu aad uga Xun yahay xarigga weriye Cali Nuur Salaad, oo loo xiray sabab la xiriirta video kooban oo uu soo dhigay baraha bulshada.
Cali Nuur Salaad, waxaa uu ka mid yahay weriyayaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, wuxuu mar ka mid ahaa weriyayaasha Warbaahinta Caalamiga ah ee BBC.
Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed, wuxuu codsanayaa in weriyaha la xiray si deg deg loo sii daayo.
Howlaha Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed, oo Golaha Wasiiradu cod aqlabiyad ku ansixiyeen bishii March ee sandakan 2024, waxaa mas'uuliyadihiisa ka mid ah dhageysiga cabooshinka iyo qaadidda dacwadaha warbaahinta iyo saxaafadda. Cid kasta oo ka cabanaysa weriye waa in marka hore ay dacwad rasmi ah u soo gudbisaa Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed.
Goluhu, wuxuu diyaar u yahay dhageysiga iyo qaadidda dacwadaha la xiriira
Eedaha gefafka weriyayaasha iyo guud ahaan warbaahinta iyo saxaafadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka ka joogaan.
Goluhu, wuxuu dacwadda loo heysto weriyaha u dhageysan doonaa si dhexdhexaadnimo ah, iyadoo aanuu cidna u eexan.
Goluhu, wuxuu Mar kale ku baaqayaa in weriyaha si degdeg ah, oo shuruud la'aan ah loo sii daayo. Dacwadda loo heystana loo soo gudbiyo Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa dhamaan hey'aha amniga iyo kuwa dowliga ah ee dalka, in aysan weriye iska xirin, iyagoo aan marka hore dacwadiisa loo gudbin Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed.
Wabilaahi Towfiiq


Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed
Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed (GWS), wuxuu u xilsaaran yahay: Ilaalinta Axnshaxa Weriyayaasha, Xalinta Khilaafaadka, dhexdhexaadinta, abaalmarinta iyo anshax-marinta howl-wadeenada warbaahinta iyo madaxda warbaahinta, Ka tolobixinta iyo rukhsad siinta/kala noqoshada Rukhsadda. i.w.m.
HOWLAHA GUDDIGA
ILAALINTA ANSHAXA
Golaha Warbaahinta Soomaaliya, arrimaha uu u xilsaaran yahay, waxaa ugu horeeyay Ilaalinta anshaxa Wariyeyaasha ka shaqeeya Warbaahinta iyo ku dhaqanka xeerka Wabaahinta Soomaaliyeed. Ugu horeyn isagoo la tashanaya Warbaahinta Gaarka loo leeyahay iyo tan dowladda iyo Ururada Rayidka ah, wuxuu goluhu soo saarayaa dukumenti qeexaya Anshaxa looga baahan yahay in Warbaahinta dalku ay ilaaliyaan.
DHEXDHEXAADINTA IYO XALINTA GEFAFKA
Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed, howlaha loo igmaday, waxaa ka mid ah dhexdhexaadinta iyo xallinta gefafka laga tabanayo Warbaahinta dawladda iyo tan gaarka ah, marka laga reebo wixii fal-dembiyeed ah. Goluhu, wuxuu ka soo horjeedaa in weriye loo xiro ama warbaahinta arrinta la xiriirta shaqadooda xitaa hadii gef laga tabanayo.
XALINTA KHILAAFAADKA XEERKA
Xallinta khilaafaadka ka dhasha ku dhaqanka xeerkan, waa mas’uuliyad saAran Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed, oo laga doonayo in uu saldhig u noqdo, fuliyana qodobada ku qoran Xeerka Warbaahinta Soomaaliyeed. Wadada uu u marayo xalinta Khilaafaadka ayaa ah in iyadoo uu faragelin ka madax-bannaan yahay uu xal ka keeno arrimaha la isku hayo.
ANSHAX IYO ABAAL MARINTA
Abaal iyo anshax marinta Wariyeyaasha, tifaftirayaasha, xarumaha Warbaahinta iyo mas'uuliyiintoodaba . Goluhu wuxuu kaloo ilaalinayaa standardka, iyadoo uu horumarinayo xirfadda iyo aqoonta wariyeyaasha iyo warbaahinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku sugan yihiin.
RUKHSADDA WARBAAHINTA
Golaha Warbaahinta Soomaaliya, arrimaha uu u xilsaaran yahay, waxaa kale oo ka mdi ah: Ka tala bixinta, siinta iyo kala noqoshada rukhsadaha hay’adaha warbaahinta. Wuxuu ka talo-bixinayaa cidda soo buuxisa shuruudaha Rukhsadda ee u qalanta in ay Shatiga hesho iyo cidda aan soo buuxin shuruudaha. Rukhsadda ayuu wax ka bixinayaa, isla markaana kala noqonayaa ciddii jebisa Sharciga Warbaahinta dalka.
XALINTA CABASHOOYINKA
Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed, oo ka kooban sagaal xubnood oo u badan aqoonyahanno dhinaca saxaafadda ah, ayaa howlaha loo igmaday in uu qabto waxaa kaloo ka mid ah: Xallinta cabashooyinka ka yimaada Wariyeyaasha, warbaahinta, hay’adaha kale iyo bulsho weynta marka laga reebo wixii fal-dembiyeed ah. Waxaa loola jeedaa qaadidda dacwadaha ay saxafiyiintu u qabaan hey'adahooda, kuwa dowladda iyo dadweynahaba.







